Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dhoofiyey 2,400 (Labo Kun Iyo Afar Boqol) oo Lo ah, kuwaasi oo kusii jeeda dalalka Yemen iyo Cumaan.
Dalka Cumaan ayaa loo dhoofiyey 1,900 (Kun Iyo Sagaal Boqol) oo neef, waxaana markabka uu geyn doonaa dekadaha ku yaalla dalkaasi.
Sidoo kale dalka Yemen waxaa isna loo dhoofiyey 500 lo ah (Shan Boqol oo lo ah) waxaana qaadey dhammaantood maraakiib ganacsi oo xoolaha loogu talogalay.




From the comments