Wararka ka imaanaya degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ay cudurka shuban biyoodka ah ugu dhinteen 4 ruux, iyadoo ay jiraan tiro badan oo cudurkaasi la il daran.
Xarumaha caafimaadka ee degmadaasi ayaa la gaarsiiyey dad u badan carruur oo cudurkaan uu soo ritey, kuwaasi oo laga kala keenay deegaanno ku dhow degmada Buuloburde iyo xaafadaha degmadaasi.
Mas’uuliyiinta maaamulka degmada buuloburde ayaa sheegay in cudurkaan uu saameyn ku yeelan karo dad kale oo hadda caafimaad qaba, islamarkaana laga yaabo in dadka qaar xaaladooda ay kasii darto.




From the comments