Beelo wada dega deegaanka Gumbur-libaax oo 100 km dhanka koonfur –bari ka xigta magaalada Burco ayaa dirir dhex martay waxa u dhintay 1 qof halka halka shan qof na uu dhaacyo kala duwan soo gaareen.
Dagaalkan labada beelood oo shalay galabnimadii halkaasi ka dhacay waxa uu ka dhashay dhul daaqsin ah oo lahaanshiiyihiisa ay ku muransanyihiin labada dhinac, waaxayna isku adeegsanadeen rasaas iyo waliba dagaal gacanta la iskula tagay.
Taliyaha qaybta booliska Somaliland ee gobolka Togdheer Axmed Maxamed Guutaale oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in saansaanta colaadani ay aloosnayd labadii bilood ee ugu dambeeyey waxaanu ka waramay siday wax u dhaceen . “Shalay ayay meesha la yidhaahdo Gumbur-Libaax isku dileen laba Beelood oo halkaa wada dega, Qasaaraha ka dhashay ee dhimasho waa hal Qof, Dadkii kiiskaa loo aanaynayana shan Qof oo mid dhaawac yahay ayaannu soo qabannay, “




From the comments