Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha diinta ee maamulka Puntland ayaa magaalada Garoowe ka daah furtay sharci la doonayo in loogu xakameeyo Kufsiga, waxaana munsaabadda lagu daah furayey sharcigan ka qeybgalay madaxda maamulka Puntland, Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya, saraakiil ka socotey golaha garsoorka, ardey iyo marti sharaf kale.
Kahor daah furka sharcigan waxaa meel mariyey golaha wakiiladda ee maamulka Puntland, waxaana agaasimaha guud ee wasaaradda Cadaaladda Maxamed Cali Faarax oo halkaasi hadal ka jeediyey uu sheegay in sharcigan muddo ay ku mashquulsanaayeen golaha garsoorka Puntland iyo qaar kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobey.
Anisa C/qaadir Xaaji Muumin, wasiirka Haweenka Puntland oo iyana halkaasi hadal ka jeedisey ayaa sheegtay in shirkaan uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh Haweenka iyo Carruurta, waxayna bogaadisey madaxdii shirkaasi ka qeybgashay.




From the comments