Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Talaado ah waxa uu madaxtooyada magaalada Garoowe ku qaabilay wefdi uu hoggaaminayey madaxa xafiiska UNSOM ee Puntland Mr. Aaward Bell.
Mr. Aaward Bell iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa Madaxweynaha Puntland waxa ay ka wada hadleen arrimo la xiriira doorashooyinka, abaaraha ka jira Puntland iyo xaaladaha guud ee Soomaaliya.
Wefdigan ka socday xafiiska UNSOM ee Puntland ayaa waxa ay ugu horreyn Puntland ku bogaadiyeen hanaanka geeddi socodka ee doorashooyinka heer federal ee Puntland ka socda, waxayna sidoo kale tibaaxeen in beesha caalamka iyo Qaramada Midoobey ay sidhow ula socoto dedaallada dheeriga ah ee Puntland ku bixisay sidii ay u hirgelin lahayd hanaanka Dimuqraadiyadda Soomaaliya.




From the comments