Maamulka Degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in wax kaga qabtaan ammaanka inta u dhaxeysa degmooyinka Leego iyo Buurhakaba.
Wadada xiriirisa degmooyinka Leego iyo Buurhakaba oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay ayaa inta badan waxaa ka dhaca falal liddi ku ah nabadgalyada iyadoo kooxo hubeyesan ay dhigteen jigdooyooyin lagu dhibaateeyo dadka safarka ah.
Guddoomiyaha degaanka Leego Abuukar Cabdullaahi Isaaq oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada booliska ah si gaar ah u wadaan qorshe amniga lagu xasilinayo iyadoo looga hortagayo kuwa qalqal gelinta amniga wada.




From the comments