Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay magaalada Dhuusomareeb iyo degaannada ku hareereysan ayaa waxa uu soo ritay dad aad u farabadan oo qaarkood la seexiyey isbitaalka magaalada Dhuusomareeb ee Xanaano iyadoo dadka isbitaalka la geeyey ay gaarayaan ilaa 30 qof .
Madaxa isbitaalka Xanaano ee magaalada Dhuusomareeb Dr. Cabdiraxmaan Beeriyow oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dadka uu soo ridanaayo Cudurka Shubanbiyoodka ay aad u sii kordhayaan waxa uuna arrintaan ku sababayay isbadalka cimilada iyo nadaafadda deeganka oo meelaha qaar aan wanaagsaneyn isgoo arrintaasi ka hadlaayo waxaa hadaladii ka mid ahaa:
“Isku geeynta ilmaha hadda isbitaalka u jiifo oo kala duwan oo qaarkood baadiyaha laga keenay iyo deegaanka labadaba waa 24 caruur ah labadii todobaad ee u dembeysay kiisaska nagu soo badanaayey waxay aheyd shuban biyoodka kaas oo ka jira deegaanka iyo meelaha u dhowdhow waxaan is dhihi karaa waxa keenay shubanbiyoodka waa cimilada dhanka hawada ah”




From the comments