Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo hoggaamiya garab ka mid ah garabyada is haya ee xisbigaas ayaa saxaafadda u sheegay inaaney wali harin khilaafkii kala dhexeeyay garabka Faysal Cali Waraabe aanuu wali dhamaan.
Jamaal oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay saddex dacwadood oo kala duwan oo ay u gudbiyeen maxkamadda sare ee Somaliland, waxa uuna yiri:
“Saddex dacwadood oo kala gaar ah ayaanu ku dacweynnay, midi waa Faysal Cali Waraabe oo kaligiis ah inuu na khilaameeyay oo uu ummadda la soo hor istaagay wacad been ah oo waliba ku faanay, markhaatiga aan heysannaa waa afkiisa. tan labaadna waa-dacwad ku socota- hay’adihii dawdaladda oo sida sharcidarrada ah nooga hiilliyay ee shirkayagiina hor is taagay shirkiisiina u fasaxay ee Booliska u diray taasina waa dacwad noo gaar ah, dacwadda saddexaad waxa weeyaan fulintii xukunka maxkamadda waa in sideedii loo fuliyaa, maxkamaddu waxay tiri shirweyne aan caadi ahayn ha la sameeyo labada garabna ha wada qabanqaabiyaan, hana yimaaddaan ergooyinkii 2012-ka, waxaan ku haynaa ergooyinkii joogay inaaney ahayn kuwii 2012, waxaanu ku haynaa inaan laga shaqeysiin 5-tii aanu ku lahayn, bal markaas ayaan arki doonnaa taladeedana dib ayaan iskugu noqoneynaa”.




From the comments