Wasaaradda shaqada iyo shaqaaalaha ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ay waddo dedaallo ay shaqo abuur ugu sameynayso dhallinyarada kasoo jeeda qoysaskii kasoo laabtey xerada Dhadhaab ee wadanka Kenya .
Jeylaani Sheekh Maxamed, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Koonfur Galbeed oo u warramay Goobjoog News ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya Ha’ayadaha la shaqeey ee deegaanadooda jooga ay ka wada hadleen in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada wax baratay ee barakaca ah si loo gaaro hiigsiga ah in dhallinyarada shaqooyin helaan.
Wasiirka ayaa sheegay iney tiro koob ay ku sameeyeen dhallinyarada shaqo la’aanta ah ee deegaanadooda , waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyey in dhallinyarada ay wasaaraddu ay hagi doonto.




From the comments