Seynis-yanno ka tirsan jaamacdda boqortooyada London ayaa waxay ka digayaan adeegsiga teleefoonada iyo Computerada la isticmaalo hurdada ka hor iney keeni karto dhibaatooyin caafimaad daro oo badan.
In badan oo ka mid ah teleefoonada casriga ah iyo Computerada waxay noqdeen maanta qeyb ka mid ah nolol maalmeedkeena, iyadoo arrintaasi jirto ayaa hadana in badan oo ka tirsan Saynasyahanada dhanka caafimaadka waxay ka deyrinayaan adeegsiga moobeylada iyo Computerada iney halisa ku yihiin caafimaaka ayna waxyeelo weyn ay gaarsiiyaan hab-dhiska neerfaha .
Ka dib baaritaano ay sameeyeen Seynis-yahannada ka tirsn jaamacdda boqortooyada London ayaa waaxaa lagu ogaaday in 125kun oo caruur ah oo da’doodu u dhaxeyso 6, 19 sano iney isticmaalaan Moobeylada casriga ah iyo Computerada ka hor inta aysan seexan kuwaas oo ka cabanaayo dhafar hurdo la’aan walwal qeybo badan oo ka mid habeenkii iyo maalintii.



From the comments