Maxakamadda sare ee Somaliland ayaa diidday iney qabato dacwad ka dhan ah hoggaanka sare ee xisbiga Waddani taasi oo ay soo gudbiyeen garab ka tirsan xisbiga oo ka dacwoonayay sida ay wax u dheceen shirweynihii ugu dambeeyay ee xisbiga ee lagu soo xulay murashixiinta u tartamaysa doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2017.
Garabkan oo la baxay isbedel doonka ayaa waxaa hogaaminaya guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed.
Guddoomiyaha maxakamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali oo ka hadlay sababta ay ku diideen iney dacwaddan qaadaan ayaa waxa uu sheegay in shirku uu ahaa mid loo dhammaa oo Axmed Muumin Seed laftiisu tartanka ka qaybgalay balse markii ay arkeen waxyaabaha ku qoran ee ay cuskadeenna aaney ku qancin.




From the comments