Waxaa lagu tiriyaa qubeyska lagu qubeysto saabuunta iyo biyaha ama qalabka loo adeegsado qubeyska waa dhaqan maalmeedka dad fara badan si ay u ilaaliyaan nadaafadda jirkooda dhan iyo iney dareemaan firfircooni iyo raaxo dhanka kle .
Balse dad khubaro ku ah dhanka caafimaadka iyo is qurxinta ayaa waxay ka digayaan in qubeyska oo laga badbadiyo jirka uu keenayo natiijooyin aan wanaagsaneyn oo ka hor imaanayo caafimaadka jirka banii’aadanka, taasoo suurta gal ah inay ka imaato cuduro badan .
Khabiir dhanka caafimaadka ah oo u dhashay wadanka Jarmalka ayaa waxa uu sheegayaa iney qofka ay ku filantahy 2 mar ilaa 3mar inuu qubeysto dotobaadkii , isagoo cadeeyey in qubeyska badan uu suurto gal ku yahay iney baabi’iso bacteeriyo badan oo jirka wax tar u laheyd.




From the comments