Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda waxay uga digtey iney xilligan u safraan dalka Itoobiya oo rabshashado xooggan ay ka socdaan.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in safaaradooda ku taalla dalka Itoobiya aaney xilligaan awood u lahayn iney qabato fulinta adeegyada muwaadiniinta Maraykanka u baahan yihiin.
Wasaaradda ayaa ku baaqday in illaa iyo ammar dambe aysan muwaadiniinta Maraykanka aadin guud ahaan gobollada dalka Itoobiya.




From the comments