Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii labo maalin ka hor dagaalyahannada hubeysan ee Alshabaab ay ka geysteen magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiirka warfaafinta ee Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah ay geyn doonaan degmada Afgooye kadib weerar qorsheysan oo Alshabaab halkaasi ay ka geysatay maalinkii talaadada ahayd kaasoo lagu diley askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.
Wuxuu sheegay Wasiir Xasan Cabdi in khasaaraha ka dhacay weerarkaasi ay ka tacsiyadeynayso dowlad goboleedka Koonfur Galbeed islamarkaana wax laga bedalayo qorshaha iminka lagu sugo nabadgalyada gobolka Shabeellaha Hoose.




From the comments