Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in dowladda federaalka Soomaaliya ay halkaasi geysay ciidamo dheeraad ah kadib dagaal shalay ka dhacay degmadaasi.
Goob Joogayaal ku sugan degmada Afgooye ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamo badan oo ka tirsan dowladda la geeyey degmadaasi, kuwaa oo sugaya amniga Afgooye.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in sidoo kale ciidamada dowladda ay howlgallo ballaaran ka wadaan degmada Afgooye, iyadoo dhanka kalena lasoo sheegayo in Al-shabaab ay ku sugan yihiin deegaanno ku dhow degmadaasi.




From the comments