Afar qof oo ahaa beeraley ku nool deegaanka Dalyare oo 30 Km dhanka waqooyi ka xiga magaalada Laascaanood ayaa ku sumoobay raashin ay cuneen iyadoo Afartaa ruux loola cararay cisbitaal xaaladooda caafimaad oo xumaatay darteed.
Galabnimadii shalay ayaa gurmad uu u fidiyey maamulka magaalada Laascaanood waxa Afartaa ruux oo Saddex dumar yihiin la soo gaarsiiyey cisbitaalka Manhal ee magaalada Laascanood, halkaas oo lagula tacaalayo hadda xaaladooda caafimaad.
Maamulaha cisbitaalka Laascaanood Maxamed Yuusuf oo ka warramay xaaladda Afartan qof ayaa sheegay iney Labo ka mid ah liidato, kuwaasi oo aad ugu sumoobay cuntada ay cuneen oo loo badinayo iney ahayd cunto aan daboolneyn taasi oo bahallo xamaarato ahi ay suntooda u gudbiyeen waxaanu sheegay in arrintan oo kale ay horey ula soo daristay Labo ruux oo xoola dhaqato gobolka Sool ka tirsan, kuwaasi oo muddo ka dib lagu guulaystay daweyntooda.




From the comments