Khubaro dhanka cilmiga Sayniska ah oo ku takhasusay cilmiga Hidde-sidaha ee ‘Genetic-ka’ una dhashay dalka Mareykanka ayaa sheegay iney jiraan dad gaboowgu u soo degdego si ka dhaqso badaban dadka asaagooda ah, iyagoo waliba dadkaasi qaab caafimaad oo wanaagsan u nool, jirkooduna uu dhisan yahay, wax cudur ah oo khatar ahna aan qabin.
Culumadan seynisyahanada ah ee cilmi baarista sameysay ayaa sheegay iney ogaadeen dad 5% ah oo ka mid ah dad ay cilmi baaris ku sameeyeen oo asaagooda ka hor duqooba. Waxay cilmi baaris xoog leh ku sameeyaan dadkaas iyo sababaha cimri degdegga u keentay, waxayna ogaadeen iney tahay “DNA, RNA jirka dadkaas oo Oxygenku ku yaryahay”, taas oo u keenta cillad dhanka unugyada jirka ah oo sii siyaadda gaartana illaa heer khatar ah oo ay geeri ku keenta 50% marka loo eego xaaladaha caadiga ah.
Culumada seynisyahannada ah ayaa waxay sheegayaan in daraasadani ay sahleyso in la fahmo sababta dadka qaar uu cimri degdegga u keenta iyagoo noloshooda caafimaad iyo cuntadooduba ay hagaagsan tahay.




From the comments