Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in dhankooda ay diyaariyeen xubnaha aqalka sare oo maalmahan dambe diyaarintooda ay ka socotay gobollada dalka.
Wuxuu sheegay in ka maamul ahaan ay diyaariyeen xubnihii kaga soo aadey aqalka sare, islamarkaana maalmaha soo aadan ay u gudbin doonaan guddiga doorashooyinka dadban.
Shariif Xasan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa dhanka kale wuxuu sheegay in sidoo kale ay ilaaliyeen qoondada haweenka, oo xubnaha ka imaanaya Koonfur Galbeed Labo Kursi oo kamid ah yihiin Haween.




From the comments