Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta gaaray wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaaliya Michel Keating iyo wafdi uu hoggaaminayo kuwaasi oo lagu soo dhoweeyay magaaladaasi.
Waxaa wafdigan tagey Baydhabo kamid ahaa Safiirka dowladda Sweden, Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya iyo xubno kale, waxaana kulamo ay la qaateen madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ahaa arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale soo dedejinta doorashada Aqalka sare, maadaama waqtiga uu aad ciriiri u yahay.




From the comments