Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa magaalada Dubai ku saxiixay heshiis dowladda Imaaraatka loogu ogolaanayo iney saldhig ciidan ka samaysato magaalada Berbera.
Heshiiskan oo aanay xukuumadda Somaliland si rasmi ah uga hadlin, ayaa hadana muuqaallo laga baahiyey Tv-ga maamulka SLTV, ay cadeeyeen kulanka dhex maray labada dhinac oo xubnihii madaxweynaha la socday ay warbaahinta u sheegeen arrintan saldhiga ciidan afkoodana ay ka qirteen.
Wararka heshiiskan laga helayo ayaa sheegaya in madaxweyne Siilaanyo iyo dawladda Imaaraatku ay is weydaarsadeen sida ay u isticmaali doonaan saldhiggan oo la sheegayo in uu yahay dhul ballaaran waxayna dawladda Imaaraatku ku tilmaantay inuu saldhigu qayb ka qaadan doono ilaalinta amniga geeska afrika iyo la dagaalanka Burcad-badeeda .




From the comments