Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta geystay ay ku qaadeen saldhig ay ciidanka booliiska Kenya ku leeyihiin deegaanka Hamey oo ka tirsan magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Weerarkaan oo dhacay habeenkii xalay ayaa wararku waxay sheegayaan in ciidanka Al-shabaab ay aad u badnaayeen, islamarkaana halkaasi uu ka dhacay dagaal ku dhowaad Saacad socday.
Afhayeen u hadlay Al-shabaab wuxuu sheegay iney dileen 6 ka mid ah ciidamada Kenya, sidoo kalena ay halkaasi ka qaateen saanad ciidan iyo sidoo kale gaari nooca Booliiska adeegsado.




From the comments