Faah faahin dheeraad ah ayaa laga heyalaa dagaallo u dhaxeeyay Maleeshiyo beeleed, kaasi oo ka dhacay deegaanka Ceel Afweyne ee gobolka Sool.
In ka badan 10 qof oo dhinacyadii dagaallamay iyo dad shacab ah isugu jira ayaa dagaalladaasi ku dhintay, waxaana ku dhaawacay tiro intaasi ka badan.
Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in weli xiisadda ay ka jirto Ceel Afweyne iyo sidoo kale deegaanno kale oo ku dhow deegaankaasi.




From the comments