Dagaal u dhaxeeyay Beello wada dega gobolka Sanaag ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel Lafweyne oo gobolkaasi ka tirsan.
Goob joogayaal ku sugan gobolka Sanaag ayaa inoo xaqiijiyey in dagaalkaan uu halkaasi saacado badan ka socday, islamarkaana salka ku hayo aano qabiil oo horay halkaasi uga jirtay, waxayna dagaalladan dhaceyn xalay saq dhexe iyo saakay waabarigii.
Inta la xaqiijiyey Afar qof oo dhinacyada dagaallamaya ayaa halkaasi ku dhintay iyadoo dhaawac uu ka badan yahay Shan qof.




From the comments