Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii shalay ka dhacay meel u dhow albabaabka hore ee madaxtooyada iyo Hotel ka SYL oo ay ku dhinteen dad isugu jira Shacab iyo Ciidamo ka tirsan Dawladda kuna dhawacmeen tiro kale.
Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ugu horeyn Cambaareyn u soo jeediyay Kooxihii ka dambeeyay weerarkaas isagoona sheegay in arrintaas ayan la yaab ku ahayn kuwii hore falkaas u samayn jirayna ay ka danbeeyeen Weerarkaas. Ra’iisul wasaaraha ayaa tacsi u direy qoyskii iyo ehelkii ay ka geeriyoodeen askartii iyo shacabkii naftooda ku waayay ee halkaa ku dhintay isagoona Ilaah uga baryay kuwa ku dhaawacmayna inuu Caafimaad.
” Annagoo si adag uga shaqaynayna arrimaha amniga iyo xasilinta , si loo helo mustaqbal wanaagsan, ayaa Argagixiso taas badalkeeda ku howlan yihiin sidii ay u qaadi lahaayeen weeraro fulaynimo ah oo ay waxyeelo ugu gaysanayaaan dadka shacabka ah” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar oo intaas ku daray in kooxda Alshabaab ay maleegayaan sidii ay u fulin lahaayeen awaamiir laga soo minguuriyey dalka dibeddiisa.




From the comments