Labo baabuur oo sanaaadiiqda diiwaangelinta cod bixiyeyaasha u siday deegaanka Hol-hol ee dhanka waqooyin kaga toosan magaalada Laascaanood ayaa xalay waxa deegaankaasi ku afduubtay rag hubaysan oo sida la sheeegay diiddan in diiwaangelintu ka dhacdo deegaankaasi .
Labadan gaari oo noocoodu ahaa Laankuruusar ayaa siday sheegayaan warbaahinta deegaankaasi, ayaa gawaadhidii iyo shaqaalihii la socday oo illaa Sideed qof lagu qiyaasay, laga leexsaday wadadii ay ku socdeen, iyagoo ku jiheysnaa dhanka bari ee magaalada Hol-hol, illaa iyo hadana lama oga meel ay ku sugan yihiin oo ay la tageen gawaaridii iyo sanaadiiqdii intaba.
Dadka deegaanka Hol-hol ayaa iyaguna si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan diiwaangelin oo uu ka taliyo maamulka Khaatumo. Iyadoo dadkani ay sheegeen inay samayn doonaan kacdoon ka dhan ah shaqada diiwaangelinta ee Somaliland ka waddo deegaanada gobolka Sool.




From the comments