Dowladda Kenya ayaa waxay maanta Sheegay iney dib uga laabatay go’aankii ay ku xireysay xerada Qaxootiga Dhadhaab , iyadoo go’aanka dib u dhigtay illaa inta nabad waartay laga helayo guud ahaan Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Kenya Joseph Nkaissery ayaa Axadda maanta ah sheegay iney dib uga laabteen go’aankii dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee xerada Dhadhaab amni darro ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya awgeed.
Waxa uu sheegay iney dhameys tireen howlo baaritaan ah oo ay ka dhex wadeen qaxootiga kaas oo lasoo afjaray bishii July ee lasoo dhaafay, waxa uu tilmaamay inuu warbixin buuxda ka hayo iyo xog dhameystiran qaxootiga; sidaa darteedna ay waddo fiican ku socdaan, waxa uu yiri; ” Waxaan Sugeynaa inta Soomaaliya ay ka xasilayso, si dadka qaxootiga ah ay ugu sahlanaato iney dalkooda dib ugu noqdaan”.




From the comments