Madaxweynaha maamulka Somaliland oo booqasho ku jooga gobolka Sool ayaa dadweyne kala duwan oo ka kala yimid deegaanada tuulooyinka gobolka Sool ayaa waxa uu kula hadlay deegaanka Adhi-cadeeye oo magaalada Laascaanood 45 kiiloomitir dhanka Burco ka soo xiga, isagoo u ballan qaaday inuu xilka ka dagi doono isagoo waxqabad taariikh ah ka sameeyay gobolka Sool.
Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad halkaasi dadka uga jeediyey waxa uu ugu horayn ka hadlay dhanka siyasadda gaar ahaan, siyaasadiisa ku waajahan Sool, waxaanu sheegay in isaga oo kaashanaya khibradiisa iyo rajada uu ka qabo in taariikh wacan uu kaga tago xilka, sheegay markasta ka go’an tahay meel marinta ballanqaad kasta oo reer Sool u sameeyo, waxanau yiri;” Waxaan ahay oday rug caddaa ah oo Ummada u arriminayay in ka badan (40) sanno, uma aqaan siyaasadda hoggaamiyaha hagaagsan Dulmi, Dirsooc iyo Dad la kala qaybiyo.Sidaa daraadeed, waxaa iga go’an in aan ka tago dal iyo dad midaysan oo leh daareen kaliya, waxaan diyaar u ahay in aan galiyo Maal, Maskax iyo Muruq badan dhamaystirka “.
Madaxweyne Siilaanyo oo safarkiisa ay qayb ka tahay, sidii uu deegaanka Sool uga soo furi lahaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada 2017 waxa uu sheegay inay xukuumaddiisa iyo guud ahaan dawladdu ay u aragto horumar arrinta diiwaangelinta doorashada isaga oo ka hadlaya arrimahaas madaweyne Siilaanyo waxa uu yiri; “ Dawladda Somaliland waxay gudoonsatay inay Diiwaangaliso dhammaan dadka muwaadiniinta u dhashay Jamhuuriyada Somaliland, si ay u helaan jinsiyad iyo aqoonsi muujinaaya isir Raacooda. Eebbe mahaddii, mashruucaasi wuu socdaa, waxaana la meel mariyay 60%, inta hadhayna waxaa la qabyo-tiri doonaa sannadka 2017. Dhinaca kale, waxay Xukumadda Somaliland iyo Dalalka Deeq-bixiyayaasha aynu saaxiibka nahay iska kaashanayaan hirgelinta Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha, taas oo ay ujeeddadeedu tahay in si sax ah oo hufnaan sugan leh loo diiwaangaliyo dadka leh xaqa codbixineed ama awood sharci u leh inay ka qayb qaataan Doorashooyinka Qorshaysan 2017.”




From the comments