Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay Bandhigga Labaad ee Carwada Buugaagta, iyadoo Bandhiggan uu socon doono muddo Saddex Maalin ah.
Waxaa Bandhiggan ka qeybgalaya qorayaal Soomaaliyeed oo dalka gudahiis iyo dibaddiisa isaga kala yimid, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay buugaag aad u badan.
Qorayaasha Buugaagta ayaa su’aallo laga weydiiyey Buugaagta ay qoreen, waxaana xusid mudan in qorayaasha ay ku jiraan dhallinyaro aad u badan.




From the comments