Afar qof ayaa ku dhintay Saddex kalena way u dhaawacmeen shil baabuur oo gaari noociisu NOHA yahay oo rakaab ahaa uu ku galay deegaanka Abdaal ee u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa .
Shilkan oo saaka aroornimadii hore dhacay ayaa ka dhashay ka dib markii baabuurka NOHA-da ahi ay isku dhaceen baabuur kale oo xamuul ah oo ku rarnaa cawska xoolahu daaqaan, isku dhacan laba gaari ayaa sababay in baabuurkii NOHADA ahaa uu ka baxay wadadii laamiga ahayd dhibaatana ay halkaa kasoo gaarto dadkii gaariga saarnaa, iyadoo baabuurkani oo ka tagay magaalada Hareysa uu ku socday magaalada Berbera.
Dhammaan dadka dhibaatadu ka soo gaartay shilka waxay ahaayeen dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa gaariga Nohada ah .




From the comments