Guddiga diiwaangelinta doorashooyinka Somaliland ayaa tobobar ku saabsan qaabka loo diiwaangelinayo dadka ku dhaqan Sool, waxay u soo xireen 305 arday oo ka tirsan ardayda dugsiyada sare iyo kuwa Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood.
305 arday oo shaqaale ahaan loogu qaatay shaqada diiwaangelinta gobolka SooL oo ay Buuhoodlena weheliso; ayaa waxa laga dhex xushay 800 oo arday oo u fariistay imtixaan shaqaalaysiin ah. iyadoo shaqadani ay ku kooban tahay muddo 21 cisho ah oo ay diiwaangelintu ka socon doonto gobolakaasi.
Wakiilka guddida doorashooyinka u jooga gobolka Sool Cabdulaahi Laba Go’le ayaa warbaahinta u sheegay inay dhammaan 305 qof ay yihiin dadkii ku guulaystay imtixaan ay guddigu ka qaadeen 800 arday; sidaasi darteedna loo siiyey tobobar ku saabsan qaabkii ay u shaqayn lahaayeen, “Waxaanu halkan/laascaanood tobobar ugu soo xirnay 305 kan qof oo dhammaantood ka mid noqon doona shaqaalaha goobaha diiwaangelinta oo midkiiba ay 4 ruux ka hawlgeli doonto waana u sharaf iyo shaqo labadaba dadka gobolka”, ayuu warbaahinta u sheegay mudane Cabdilaahi laba Go’le.




From the comments