Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in waqtigooda la dhaafin doorashooyinka la filayo in sanadkan 2016 ay dalka ka dhacaan.
Madaxweynaha Puntland ayaa si gaar ah ugu baaqay Madaxda dawladda Federaalka Soomaaliyeed in ay waqtiga yar ee dhiman ay uga faa’iideyaan shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ka shaqeeyaan hirgelinta doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha August iyo September sidii lagu heshiiyey shirarkii Madasha watashiga qaran.
Soomaaliya ayuu sheegay in xilligaan u baahan tahay isbedallo ka dhacay iyo shacabka inay helaan dowlad awood badan oo dalka iyo dadka wax u qabata.




From the comments