Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay degmadaasi ku dhinteen 2 carruur ah kadib markii uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.
Isbitaalka Magaalada Baraawe waxaa sidoo kale buux dhaafiyey bukaanno u badan carruur oo uu soo ritay cudurkani.
Dr Cabdi Cali Muuse oo ka howlgala Isbitaalka Baraawe ayaa u sheegay Goobjoog News in maalintii uu cudurkan ku dhaco 5, qof oo hor leh ugu yaraan.




From the comments