Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa gaaray xubno ay ka mid yihiin Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating, wasiirka arrimaha dibadda dowladda Itoobiya Tedros Adhanom, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Micheal Cervone D’urso, Safiirka Talyaaniga, Safiirka Turkiga, Safiirka Imaaraatka, Ergeyga IGAD ee Soomaaliya iyo xubno kale.
Dhammaan xubnahan waxaa madaxtooyada magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Waxaa jira kulamo albaabada u xiran oo ka soconaya madaxtooyada Garoowe kaasi oo u dhaxeeya Ra’iisul wasaare Cumar, Madaxweyne Gaas iyo xubno ka mid ah beesha caalamka.





From the comments