Wargeyska Afka dheer ee The Independent ayaa maanta ku soo baxaya qaab Online ah oo keliya, tilaabadan ayaa imaaneysa kadib markii sabtidii uu soo baxay nuqulkii ugu dambeeyay ee wargeyska oo warqado ah.
Wargeyskan oo muddo 30 sano ah ka soo baxayey dalka Ingiriiska waxaa lagu xasuustaa warkii ku saabsana shirqoolkii lagu dilay Boqorka Sacuudi Carabiya iyo sida ay u Mucaaraday faragelintii Ingiriiska ee Ciraaq 2003-dii.
Ninka iska leh Wargeyska The Independent Evgeny Lebedev waxaa uu sheegay in Saxaafadda guud ahaan ay is badashay sidoo kalana loo baahan yahay in wargeysyada is badalaan, The Independent waxaa kaloo ay iibin doontaa wargeysyo kale oo shirkadda ay soo saari jirtay




From the comments