Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaarahada dagaalka ee dalka Kenya ay ka geysteen deegaanno ka mid ah gobolka Gedo kuwaasi oo khasaare nafeed geystay.
Deegaannada ay diyaaradahan duqeeyeen ayaa ku dhaw degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, waxaana la sheegay in ugu yaraan 2 qof halkaasi ay ku geeriyootay.
Qof ku sugan mid ka mid ah deegaannada duqeyntaan laga geystay ayaa u sheegay Goobjoog News in mar qura ay ka war heleen diyaarado joog hoose ku socda oo madaafiic kusoo garaacaya.




From the comments