Shirka Madasha wadatashiga oo maalmahaan ka socday Muqdisho ayna ka qeyb galayeen Dowladda Federaalka, hogaamiyaasha maamul goboleedyada, bulshada rayidka, iyo xubno ka socda beesha caalamka ayaa waxa uu ku soo dhamaaday is afgarad ay beesha caalamka gar wadeen ka tahay oo ah isku dhafka nidaamka qabiika iyo maamul goboleedyo.
Sida la filayey waxaa la go’aamiyay in aqalka hoose wax lagu qeybsado 4.5 halka Aqalka sare ay soo xulayaan Maamul goboleedyada dalka ka jira, arrintaas oo sida muuqata loo arkay in looga bixi karo aragtida 2016-ka.
Shir Jaraa’id uu qabtay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas waxaa uu sheegay in go’aankan aanu aheyn wixii ay u soo wakiilatay Puntland isagoo sheegay in ay qaadacayaan, lakin dadka siyaasadda falanqeeya waxaa ay ogyihiin in arrintan ay tahay dab damis.




From the comments