Taliska ciidanka Booliiska ee degmada Jowhar ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen rag badan oo ku eedeysan inay beerayeen maandooriyaha xashiiska loo yaqaano.
Taliyaha saldhigga Booliiska ee degmada Jowhar Maxamed Siyaad Canjeex oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in raggani ay kusoo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen degmadaasi.
Waxa uu taliyaha tilmaamay in howlgalkaan aanu ahayn oo kaliya mid ku kooban degmada Jowhar ee ay ciidanku ku tageen dhammaan deegaannada degmadaasi hoos yimaada.




From the comments