Maamulka Galmudug ayaa go’aan ka gaaray dhul barkadeed ku yaalla deegaan u dhaxeeya Bandiiradleey iyo Docoleey ee goballada Mudug iyo Galgaduud, halkaasi oo mudo lagu muransanaa.
Wasiiru dowlaha dowladaha hoose ee Galmudug Cumar Maxamed Diiriye iyo guddoomiye xigeenka dhinaca siyaasadda iyo amniga ee gobalka Mudug Cabdi Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimahaan, saxaafaddana u sheegay qodobada laga soo saaray.
Go’aamadani waxaa saxaafadda u aqriyay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha oo sheegay in shaqaaqo ka jirtay deegaanka u dhaxeeya Bandiiradleey iyo Docoleey laga gaaray go’aamadani.




From the comments