Ugu yaraan 2 qof ayaa geeriyootay 15 kale waa ay dhaawacmeen kadib markii magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galgduud uu ka dhacay shil gaari.
Shilka ayaa yimid kadib markii Labo gaari oo mid ka mid ah uu ka yimid dhanka magaalada Dhuusamareeb halka kan kale uu ahaa mid ka tegay Muqdisho ay isugu dhaceen halka laga galo magaalada, waxaana dadka ku dhaawacmay ay u badnaayeen carruur iyo haween.
Dhaawacyadani ayaa isugu jira kuwa fudud iyo kuwa culus kuwaas oo dhammaantood la dhigay isbitaalka weyn ee Galgaduud ee magaalada Dhuusamareeb.




From the comments