Goobjoog

Baardheere:- 8-Sano Kadib Degmada Baardheere Oo Lagu Qabanayo Munaasabado Lagu Weyneynayo Dhalashada Nabigeena Muxummad (NNKH)

Degmada Baardheere ee gobalka Gedo waxaa maanta laga dareemayaa sanado badan kadib u diyaar garowga weyneynta dhalashada Nabigeena Muxummad NNKH. Qaban-qaabada xuskani ayaa ka soconaysa magaalada Baardheere, waxaana la soo…

Baardheere:- 8-Sano Kadib Degmada Baardheere Oo Lagu Qabanayo Munaasabado Lagu Weyneynayo Dhalashada Nabigeena Muxummad (NNKH)

Degmada Baardheere ee gobalka Gedo waxaa maanta laga dareemayaa sanado badan kadib u diyaar garowga weyneynta dhalashada Nabigeena Muxummad NNKH.

Qaban-qaabada xuskani ayaa ka soconaysa magaalada Baardheere, waxaana la soo sheegayaa in ammaanka si weyn loo adkeeyay.

Maalmihii dambe maamulka degmada iyo culimada ayaa waday wacyi-gelin ku saabsan bulshada oo ay ka wacyi galinayeen in la qabto xuska Xabiibkeenna Muxummad NNKH.

Muddo 8 Sano ah kadib markii meesha laga saaray xukunkii  Xarakadda Al-Shabaab ee Magaaladda Baardheere , ayaa maanta  fagaaroyinka waawayn ee Magaaladdasi lagu wadaa in xuskaasi uu ka dhaco iyadoo boqolaal dad ahi ay ka soo qaybgalayaan .

Wariye ka tirsan Goobjoog FM, kuna sugan degmada Baardheere ayaa soo sheegaya in Ammanka degmadaasi ay aad u adkeeyeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Jubbaland iyo AMISOM.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments