Waxaa Maanta Caasimadda Muqdisho laga xusay Maalinta AIDS-ka oo sanad walba dunida laga xuso December 1-deeda, waxaa Munaasabadaas ka qeyb-galay Mas’uuliyiin badan oo Wasaaradda Caafimaadka ay horkaceyso.
Waziirka caafimaadka xukuumada soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegatay in wazaarada caafimaadka ay dadaal ku bixin doonto sidii dadka qaba cudurka AIDS-ka ay u heli lahaayeen daryel wanaagsan iyadoo hada Soomaaliya ay ku nool yihiin dad badan oo qaba cudurkaasi, sida ay Wasiirka sheegtay.
waziir xaawo ayaa intaa ku dartay in wazaaradu ay sameyn doonto siminaaro lagu wacyi galinayo dadka qaba cudurka HIV AIDS-ka iyadoo xustay in wazaaradu ay qorsheyneyso sidii dadkaasi looga bixin lahaa lacaga kirada guryahay ay ku nool yihiin dadkaasi madaama ayasan awoodin in ay iska bixiyaa kirada guriga




From the comments