Deeqdii ugu horreysay oo dawo ah oo ka socota dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la gaarsiiyay degmada Baardheere ee gobalka Gedo.
Maxamed Xuseen Ganeey Madaxa mashaariicda iyo horumarinta maamulka degmada Baardheere ayaa u sheegay Goobjoog News in deeqdani dawada ah aysan ku filnayn degmada balse ay kaalmo u noqon karto dadka hadda sida weyn ugu baahan caafimaadka.
Wuxuu sheegay in deeqdii ugu horreysay ay tahay dawadani ka socota dowladda federaalka Soomaaliya taas oo lasoo gaarsiiyay degmada Baardheere.




From the comments