Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Hay’adaha Amniga Ku Amray Inay Soo Qabteen Kooxdii Ka Dambeysay Dilka Xildhibaan Gurxan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay dilka xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo shalay koox hubeysan ku dishay magaalada Muqdisho. War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa…

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Hay’adaha Amniga Ku Amray Inay Soo Qabteen Kooxdii Ka Dambeysay Dilka Xildhibaan Gurxan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay dilka xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo shalay koox hubeysan ku dishay magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sidaan u qorenaa:-

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Axmed Gurxan oo ka mid ahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo xalay fiidkii u geeriyooday dhaawac shalay Muqdisho loogu geystay.

Madaweynaha ayaa tacsi u diray qoyska iyo qaraabada marxuumka iyo sidoo kale Baarlamaanka Federaalka iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed isaga oo EBBE uga baryey marxuumka inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, EEBE Jannadii Fardowsa haka waraabiyo Marxuum Maxamed Axmed Gurxan ,sabar iyo iimaan Allaah haka siiyo ehaladiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed . Waa geesi shahiiday oo naftiisa u huray u shaqeynta iyo badbaadinta ummadda iyo qarannimadda Soomaaliyeed ” ayuu yiri Madaxweynaha

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku amray hey’adaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan kooxdii dishay Marxuum Maxamed Axmed.

—DHAMAAD—

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments