Waxgaradka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dhaqan galka heshiiskii dhawaan la kala dhex dhigay beello ku dagaallamay Xaafadda Howlwadaag ee magaalada Magaaladaasi.
Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan Dacar Xirsi Nuur oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in guul laga gaaray heshiisiinta beelahaan, islamarkaana muddo Seddax Bil ah ka dib la’isku soo laaban doono wada hadalka.
Waxa uu sheegay in beelahani intii ay ku dhex jireen heshiisiintooda uu ku dhintay mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka B/weyne, islamarkaana haatan aysan ku khasaarin dadaalkooda, ayna heshiiyeen beelihii dagaallamay.




From the comments