Wasiirka arrimaha gudaha wadanka Kenya ayaa madaxda xeryaha qaxootiga Dhadhaab kala hadlay arrimo ay ka mid tahay ka qeyb qaadashada ammaanka.
Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa waxaa booqday wefdi ballaaran oo u horkacayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga dalka Kenya Josaf Kaysari, waxaa qeyb ka ahaa weftigan xildhibaano ka tirsan kenya oo ka soo jeeda gobolka waqoyi beri, kuwaasi oo kala ah Adan Bare Ducale gudoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka kenya, Xildhibaan Maxamed Dahiye Ducalle, Xildhibaan Ilyas Bare Shill, Xildhibaan Cabdullahi Diriye Dhagalow, Gudoomiyaha gobolka Garisaa Nadif Jaama Aadan, Madaxa Amniga Gobolka waqoyi bari Maxamuud Cali Saalax, Wakilka Hayadda UNHCR ee dalka Kenya Ra’uuf Masuu, xildhibaano kale iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dalka Kenya.
Wafdiga ayaa markii ay gaaren xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab waxay kulan gooni ah la qaateen horjoogayaasha xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, iyagoo kala hadlay Seddax arrimood oo kala ah, arimaha amaanka xeryaha iyagoo waxaana ay ka codsadeen horjoogayasha xeryaha ka shaqeynta arimaha amaanka iyo ka hortagga kooxda Shabaab falalka liddiga ku ah amaanka ay ka geystaan xeryaha Dhadhaab iyo guud ahaan dalka Kenya soona sheegan kuna soo wargeliyaan lamaha amaanka.




From the comments