Saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Beledxaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegay in la wada hadal siinayo ciidamo dhawaan ku dagaallamay degmadaasi, kuwaa oo qaab beeleed u abaabulan.
Korneel Cismaan Nuux Xaaji oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay wadaan dadaal xooggan oo ay ku doonayaan in amniga ay ku xaqiijiyaan, islamarkaana lagu heshiisiinayo dhammaan ciidamada dagaallamay.
“Ciidamadaan waxaa dhex galay ciidamo kale oo awood lahaa, waxaan joojinnay xabadii, waxaan hadda wadnaa waan waan iyo sidoo kale in la wada hadalsiiyo si loo ogaado waxa lagu dagaallamay ayuu yiri Korneelka.




From the comments