- Looska waxaa laga helayaa Vitamin E, waxaa uu daawo u yahay Finanka Wajiga ka soo baxo, Finanka Maqaarka, cunista Looska waxaa uu jirka ka helayaa Vitamin E oo ku roon arimaha aan soo sheegnay.
- Looska waxaa uu ka hortagaa Duqnimada iyo Wahsiga:
Waxaa la ogaaday in Looska uu ka hortago Gabowga iyo wahsiga, waxaa uu baa’biyaa Miinta ama laablaabka Indhaha hoostooda ah, waxaa kaloo la sheegayaa in saliidda Looska ay daawo u tahay Miinta jirta ama in ay dib u dhigto soo bixistooda, Jirka waxaa uu helayaa midab qurxoon.
- Cunista Looska waxaa uu u roon yahay Qalbiga:
Dadka qalbi xanuunka qaba, waxaa u roon in ay cunaan Looska, Looska waxaa uu ka hortagaa in jirka galo Dufinta, waxaana laga helaa Vitamin E sida aan sheegnay, isaga ayaana mas’uul ka ah in jirka laga dhuuqo dufinta iyo in jirka helo dhiig fiican.
Looska waxaa uu yareetaa Korostorol-ka jirka sidaa darteed waxaa uu faa’ido badan u yahay Qalbiga iyo caafimaadkiisa iyo qaadayaasha dhiigga.




From the comments