Goobjoog

Falastiin oo Loo Ogolaaday in Korjooge ka Noqoto Shirarka Qaramada Midoobey iyo Cabaas oo Ka Baxay Heshiisyadii Isra’il.

Dowladda aan aqoonsiga heysan ee Falastiin ayaa loo ogolaaday in Korjooge ka noqoto shirarka Qaramada Midoobey. Calanka Falastiin ayaa markii ugu horeysay laga taagay dhismaha Qaramada Midoobey, meel ku dhaw…

Falastiin oo Loo Ogolaaday in Korjooge ka Noqoto Shirarka Qaramada Midoobey iyo Cabaas oo Ka Baxay Heshiisyadii Isra’il.
The Palestinian flag flies beside the flag of the United Nations after being raised by Palestinian President Mahmoud Abbas in a ceremony during the United Nations General Assembly at the United Nations in Manhattan, New York September 30, 2015. Even though Palestine is not a member of the United Nations, the General Assembly adopted a Palestinian-drafted resolution that permits non-member observer states to fly their flags alongside those of full member states. REUTERS/Andrew Kelly – RTS2H7D

Dowladda aan aqoonsiga heysan ee Falastiin ayaa loo ogolaaday in Korjooge ka noqoto shirarka Qaramada Midoobey.

Calanka Falastiin ayaa markii ugu horeysay  laga taagay dhismaha Qaramada Midoobey, meel ku dhaw calamada Wadamada xorta ah ee ku jira Qaramada Midoobey,  Calanka  Falastiin ayaa laga garab taagay midka Vatican-ka oo iyagana loo ogolaaday in ay Korjooge noqdaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Falastiin oo Khudbad taariikhi ah ka jeediyay Qaramada Midoobey ayaa sheegay dhankooda aanay fulin doonin heshiisyadii ay la galeen Isra’il kadib markii ay Israa’il jabisay dhamaan heshiisyadaas.

Cabaas waxaa uu sheegay in isra’il maanta laga bilaabo ay tahay Wadan Gumeyste ah, Falastiina dal la heysto.

Waa markii ugu horeysay ee Falastiin boos ku yeelato Qaramada Midoobey 70 sano kadib, Falastiin waxaa soo dul dagay Yuhuudda oo laga soo masaafuriyay Yurub sanadkii 1948-dii ilaa iyo hadda Isra’il waxaa ay waddaa dhac iyo Boob.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments