Dallada guud ee dhalinyarada Puntland ayaa ku baaqday in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dagaal beeleedka ka socda gobalka Sool, gaar ahaan deegaanka Qorilley.
Gudoomiyaha dallada dhallinyarada Puntland Aweys Axmed iyo ku xigeenkiisa Farxaan Axmed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dhalinyarada Puntland ka xun yihiin colaaada islamarkaana diyaar u yihiin inay ka qeyb galaan nabadaynta dhinacyada dagaalamaya.
“Waxaan diyaar u nahay inaan nabadda ka qeybqaadanno, waxa dhamaanaya waa dhallinyaradii, ma ahan in hadda nala kala yareeyo, waa in aynu is uruursanaa, waa in aan gacmaha is qabsannnaa oo la joojiyaa colaadda” ayuu yiri Gudoomiye Aweys




From the comments