Guddiga doorashada golaha deegaanka ee Boosaaso ayaa uga digay soo xulayaasha xildhibaanada golaha deegaanka ee magaaladaasi, inay soo xushaan xildhibaanno aan u qalmin, xilli heer gabogabo ah la marayo.
Guddigaan oo isugu jira wasiiro, xubno ka tirsan maamulka gobalka Bari iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan ay uga tashanayeen qaabka loo wajahayo dhismaha xubnaha cusub ee ka mid noqonaya golaha deegaanka, waxa ay ku yeesheen xarunta gobalka ee Boosaaso.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Axmed Cilmi Karaash oo kulanka ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xubnaha cusub ee ka mid noqonaya golaha deegaanka Boosaaso ay mari doonaan imtixaanaad lagu ogaanayo heerkooda aqooneed.




From the comments